Waxa uu app-ku sameeyo

Raad-raacista

Raadinta xiriirinta, barnaamijku wuxuu ogaanayaa oo uu diiwaan geliyaa isticmaaleyaasha kale ee u dhawaa app-ka isagu adeegsanaya IDs aan caadi aheyn. Haddii mid ka mid ah adeegsadayaashaas uu mar dambe laga hilo cudurka loo yaqaan 'coronavirus' (COVID-19), waxaad heli doontaa ogeysiis ku saabsan u nuglaansho iyo la-talin ku saabsan waxa la sameeyo.

Haddii aad 18 jir ka yar tahay, waxaa lagugula talinayaa in aad ogeysiiskan tusto qof qaangaar ah oo aad aaminayso.

Ogeysiis

Marka ugu horeysa ee aad iska diiwaan geliso app-ka waxaa lagu weydiin doonaa qeybta hore ee koodhka boostadada. Waad hubin kartaa app-ka maalin kasta si aad u ogaato in meesha aad ku nooshahay ay noqotay meel khatar sare ku ah coronavirus. Hadday sidaas tahay, waxaad sidoo kale heli doontaa ogeysiin si aan kuu ogeysiino. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad gaarto go'aano maalmeed si aad u ilaaliso naftaada iyo kuwa aad jeceshahay.

Is xaadiri

App-ku wuxuu kuu oggolaanayaa inaad duubto marka aad booqato goob ay ku taal "is-xaadirin" markaad timaadid, adoo isticmaalaya lambarka QR-ka goobta. Barnaamijku wuxuu qorayaa waqtiga aad ku bixineyso goobta isago aan duubin wax macluumaad shakhsi ah. Waxaad heleysaa feejignaan, haddii aad dhowaan booqatay goob ay dhici karto inaad kula xiriirtay coronavirus.

Astaamaha

Haddii aad dareento caafimaad darro, waxaad u isticmaali kartaa barnaamijka si aad u hubiso haddii calaamadahaaga ay la xiriiraan coronavirus (COVID-19). App-ka ayaa ku siin doona liiska calaamadaha dhici kara ka dibna waxaad dooran kartaa kuwa adiga ku quseeya. Ka dib waxay kuu sheegi doontaa haddii calaamadahaaga ay soo jeediyaan inaad qabtid coronavirus.

Baaris

Haddii aad leedahay astaamo coronavirus, appku wuxuu kuu geyn doonaa degel internet halkaas oo aad uga ballansan karto baaritaan si aad u ogaato haddii aad qabtid cudurka 'coronavirus' iyo haddii kale.

Go'doomin

Haddii uu kugula taliyo barnaamijku inaad is-go'doomiso, barnaamijku wuxuu bixiyaa saacad tirinta ah si aad ula socoto intaad u baahan tahay inaad is-go'doomiso. Markaad gaarto dhamaadka xilliga go'doominta, barnaamijku wuxuu kuu soo diri doonaa ogeysiis xusuusin ah oo leh xiriirin talobixintii ugu dambeysay ee adiga.

Haddii aad 18 jir ka yar tahay, waxaa lagugula talinayaa in aad ogeysiiskan tusto qof qaangaar ah oo aad aaminayso.